DFS oo amar duldhigtay daladaha waxbarashada iyo maamuleyaasha iskuulaadka iyo Jaamacadaha

0

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa lagu faray dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha Iskuullada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha inay u hoggaamsamaan amarka lagu xirayo goobaha Waxbarashada muddo labo todobaad ah.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ay garwaaqsan tahay tallaabada lagu xirayo goobaha waxbarashada, in ay qeyb ka tahay dadaalada xukuumadu ku xakamanayso faafitaanka caabuqa Covid-19.

Wasaaraddu waxay ka codsatay waalidiinta in ay ilmahooda ku boorriyaan in ay ku sugnaadaan guryahooda ayna dib u akhristaan casharadooda.