Kolonyo gaadiid sida cunto oo si nabadgelyo ah ku gaaray Xudur

0

Gaadiid sida cunto kala duwan oo ay leeyihiin ganacsato ayaa markii ugu horeysay muddo bilooyin ah waxa ay gaareen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Gaadiidkan oo muddo ku xayirnaa wadada u dhexeysa Xudur iyo Ceelberde ayaa waxaa galbiyay ciidamo ka tirsan gobolka Xoogga dalka.

Gawaaridan oo muddo ku xayirnaa magaalada Ceelberde ayaa si nabadgelyo ah loogu soo galbiyay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgallo waddo nadiifin ah ka sameeyeen inta u dhexeysa labada Degmo.

Ganacsatada ayaa soo dhaweeyay in si nabadgelyo ah magaalada loo keeno gawaaridii u rarneyd, halka markii hore ay gaadiidka isticmaali jireen inta u dhexeysa deegaanka Qurac Joome iyo magaalada Xudur.