Xukuumadda Oo UN-Ka Kala Hadashay Arrimo La Xiriira Bani’aadnimada

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaraanka Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan kula qaatay xubano ka socday xafiiska UN-ka ee Soomaliya oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka wakiilka QM-Soomaaliya Mr  Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha bani’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.

Kulanka waxaa uu ahmiyad gaar ah lagu siiyay howlgalinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlo baaxada leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada UN-Soomaaliya 2021-2025.

Sidoo kale waxaa la is lagartay in la xoojiyo Arrimaha bani’aadinimo ee haatan jira, sida in xarunta ka jawaab celinta dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nimdaamka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in ay qeyb ka noqoto xafiiska UN-ka ee Soomaaliya isku-duwida ay hoggaanka u tahay dowladda (Government led-Coordination).