Weerar Lagu beegsaday Ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia iyo dagaal xigay

0

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeleedadhexe ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu diley Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, Kadib markii lagu beegsaday duleedka degmada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in ka badan 5-Askari oo ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya la diley kadib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday baabuur ay la socdeen, Waxaana sidoo kale dhici karta in Khasaaraha uu intaas ka bato.

Gaadiidkan ayuu weerarku qabsaday xili ay marayeen halka loo yaqaano ilbiq oo ku dhow tuulada Qalimow waxaana la sheegay in weerarkaas ay fuliyeen xubno ka tirsan Alshabaab, Waxaana xigay Dagaal sababay khasaaro kala duwan oo hub kala duwan la isku adeegsaday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarkan lagu gubay baabuur nooca dagaalka ah oo u soo gurmaday ciidamdan.

Ma jiraan ilo madax banaan ooXaqiijiyey  khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, saraakiisha ciidamada dowladana kama aysan hadlin weli.