Wasiirka arrimaha sirddoonka Israa’iil oo booqasho ku tegay Suudaan

0

Wasiirka arrimaha sirddoonka ee Israa’iil Eli Cohen ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay dalka Suudaan.

Waxayna ka wadahadleen wasiirka gaashaandhigga Suudaan sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiska ay wada gaareen sanadkii lasoo dhaafay ee dib loogu soo celiyay xiriirka Suudaan iyo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Israa’iil wuxuu sheegay in Mr Cohen iyo wasiirka gaashaandhigga Suudaan Janaraal Yaasin Ibraahim ayaa sheegay inay kala saxeexdeen heshiisyo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed, aminga iyo dhaqaalaha.