Puntland oo war ka soo saartay kiiska saraakiil xabsiga ka deysay dad loo heystay Shabaabnimo

0

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay xilkooda ku waayeen, loona xiray in ay siidaayeen dad ku eedeeysan inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Wasiir Dhabancad wuxuu sheegay in mas’uuliyiintaan oo ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo ay hadda ku socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta ay kusii daayeen dad Shababnimo ku eedeeysnaa.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in ay jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo amarrada ka qaata Al-Shabaab, isla markaana uu maamulku si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa odayaashaas.

“Waxaa jiray shakhsiyaad taleefanadooda la dhegaystay oo amarrada kasoo qaata meelo kale. Dadka noocaas ah ciddii koofiyada saaratay, haddii ay ogaan la haayeen shaqooyinka ay qabtaan xaaladdu si kale ayay noqon lahayd,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.