Madaxwaynaha Maraykanka oo digniin Culus u jeediyey Ruushka iyo Waxa dhexmaray Putin

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay ee ay telefoonka ku wada hadleen hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin uga digay faragelinta doorashada, sida uu sheegay Aqalka Cad.

“Madaxweyne Biden ayaa caddeeyay in Mareykanka uu difaaci doono danaha qarankiisa uuna jawaab adag ka bixin doono falalka Ruushka ee na dhaawici kara amaba dhaawici kara xulafadeenna,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Mareykanka.

Wada hadalka waxaa lagu soo daray dibadbaxyada ay mucaaradku soo abaabuleen ee ka socda Ruushka iyo ballaarinta heshiiska Mareykanka iyo Ruushka ee hubka nukliyeerka.

Mr Putin ayaa madaxweynaha cusub ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashada, sida laga soo xigtay warsaxaafadeed Ruushka ka soo baxay.

Labada dhinac ayaa sheegay inay isku raaceen in la joogteeyo xidhiidhka ka dhexeeya Dawladaha Maraykanka iyo Ruushka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in labada madaxweyne ay shalay ka wada hadleen weerarkii weynaa ee burcadda internet-ka ee SolarWinds, kaa soo lagu eedeeyay Moscow, wararka sheegaya in Kremlin ay lacag dul dhigtay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan, iyo sumeyntii hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.

Dhinaca kale  Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in Madaxwayne Putin uu garwaaqsaday in soo celinta xiriirka Mareykanka iyo Ruushka ay dan ugu jirto labada dal.

“Guud ahaan, wada hadalka dhex maray hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Mareykanka wuxuu ahaa mid danaha dalka looga hadlay oo saaixibtinimo ahaa,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Kremlin.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mararka qaar ka gaabsan jiray Ruushka waxaana lagu eedeyn jiray inuu u jilicsanaa Mr Putin.

Balse Madaxweyne Barack Obama – oo maamulkiisa uu Mr Biden ka soo noqday madaxweyne ku xigeen ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku guul darreystay inuu il gaar ah ku eego xukuumadda Kremlin kaddib markii ay sheegatay gacanka Crimea, ay qabsatay bariga Ukraine ayna sidoo kale isku ballaarisay Suuriya.