Dowladda Kenya Oo War Kasoo Saartay Warbixintii Guddiga IGAD

0

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Warbixintii uu soo saaray Guddigii xaqiiq raadinta ee Urur Goboleedka IGAD u xil saaray Dacwadii dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay dowladda Kenya, kadib markii xiriirka loo jaray.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Warbixinta ay soo saareen Guddiga, iyagoona sheegay in Guddiga ay u gudbiyeen cadeymo kala duwan oo la xiriira arrinta xuduudka labada dal.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Guddiga ee loo saaray xiisada xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ay geeyeen Magaalada Mandheera, isla markaana Warbixinta Guddiga ay caddeysay  in eeda dowladda Federaalka gudbisay aysan waxba ka jirin.

Waxaa kaloo Kenya ay tilmaamtay in xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka u jirtay uu abuuray saameyn xun, iyaoona xusay in ay soo dhaweynayan Warbixinta lasoo saaray.