Digniin Laga Soo Saaray Warar Laga Faafiyay Xaalada Caafimaad Ee Abiy

0

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digay wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaasoo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha.

Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha 44 jirka ah.

NISS ayaa sheegtay in wararka noocaas ah ay khalkhal galinayaan amaanka waddanka.

Goor sii horreysay ayaa warbixin laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shacabka looga dalbaday in ay ka feejignaadaan “wararka la isla dhex marayo ee aan xaqiiqada ahayn”