DAAWO:- Wasiir Dubbe “Gudigii Reer Jabuuti ee Arinta Khilaafka loo diray, waxay la Safteen Kenya”

0

Wasiir warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo hadda la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee IGAD ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.

Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii Jabuuti ee IGAD in loo diro xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Jabhad laga aas-aasayo xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

“Lixdaa nin ee Reer Jbuuti ee Qoray warbixinta, Waxaan u aragnaa Dulmi,  Waxay meel uga dhaceen Walaalnimada, waxay dhegaysteen Hal dhinac oo ah Kenya, waxay diideen inay taagaan Baladxaawo, Waxay laba jeer ku noqdeen Kenya, Waxay yimaadeen Mandheera, waxay sidoo kale Diideen inaan Muqdisho ka qaadno oo gayno Baladxaawo, warbixinta ay soo saareen ee lagu soo beegay maalintii dagaalku ka dhacay Baladxaawo ee la yidhi Kenya ma faragelin Soomaaliya, waxaan u aragnaa Farageliya,  Waana arin Bar aan tirmin ku noqon doonta Walaalnimada, Dulmigana  waxaa ugu Xun midka kaaga yimaadan walaalkaa.” Ayuu yidhi Wasiir Dubbe.

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya aad uga xuntahay in warbixinta kasoo baxday dhexdhexaadintii labbada dhinac, Jabuutina ay la safatay hal dhinac. Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta  lagu sheegay waxyaabo baddan oo liddi ku ah qaranimada Soomaaliya oo ka mid yihiin.

-in  Soomaaliya ku qaldantahay hawadda, oo Soomaaliya  ay kala saari wayday diyaaradaha xamuulka, rakaabka iyo diyaaradaha ciidanka.

– Ciidamada Kenya inaanay hawadda Soomaaliya soo galin.

– innaan arinta xidhiidhka ay Soomaaliya u jartay Kenya la xidhiidhin arrinta hadda taagan ee ay tahay arrimo horre oo u dhaxaysay labbada waddan.

– innaan Ciidamada Kenya ka qayb ahayn dagaalka ka  socda gobalka Geddo.

– In ay guddi warbixin ka urursaday Magaaladda Mandheera, diidayna inay imaadaan dhanka Beled-xaawo, dawladda Soomaaliya ay u fidisay inay tagaan dhanka Soomaaliya, oo dawladda Soomaaliyana  qaabishay diyaaradaha ay ku tagayaan, balse ay ka dhago adaygeen.

Guddiga oo 25-kii Bisha soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso Jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa guddigaas ku eedeeyey in aysan dhexdhaxad heyn oo ay qaateen warbixin hal dhinac ah, isla markaana ay u muuqato inay la safteen kenya.