Trump Oo Wacad Ku Maray Inuu Soo Laaban Doono

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in uu si uun u soo laaban doono ka dib markii uu ka tagay Aqalka Cad oo muddo afar sano ah uu joogay isaga oo madaxweyne ah.

Wuxuu u sheegay taageerayaashiisa markii uu isku diyaarinayay inuu u duulo Florida inay u ahayd “sharaf weyn inuu madaxweyne u noqdo.

Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee diida inuu xilka wareejiyo tan iyo 1869-kii laakiin wuxuu yiri: “Waxaan u rajeynayaa maamulka cusub nasiib wacan iyo guul weyn”.