RW Rooble Oo War Kasoo Saaray Guddoomiye Lagu Dilay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Guddoomiyihii Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyeyay Geerida Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay ay dileen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya, xili uu marayay Waddada Jidmariixaanka, waxaana rasaasta ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada marxuumka.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray RW Rooble.

Maxamed Xaseen Rooble ayaa sidoo kale laamaha ammaanka waxaa uu faray in in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah “Waxaan farayaa hay’adaha  ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah” ayuu yiri RW Rooble