DEG DEG:- Guddoomiyihii Degmada Hodan Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

War deg deg ah oo ina soo gaaraayaa sheegaya in hadda Magaalada muqdisho lagu dilay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Cabdixakiin Dhagajuun.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Marxuumka ay dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxaana lagu dilay wadada loo yaqaanno jidmariixaanka xilli uu halkaasi marayay.

Dilka Guddoomiyaha waxaaa gaystay sida la sheegay Askar ka tirsan Saldhigga Degmada Howlwadaag, kuwaasi oo Rasaas hugiyay Gaariga uu la socday Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin, mana la shaacin sababta rasmiga ah ee Askarta ku kalliftay in ay dilaan Marxuumka.