Shariif Xasan oo Sheegay in Doorashada Wakhti lagu Dari karo, Muxuuse ka yidhi Farmaajo ?

0

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo labo jeer Guddoomiye Baarlamaan soo noqday iyo  Madaxweynaha  Koofur Galbeed oo ka qaybgalay kulan lagu su’aalo weydiinayay ayaa ka hadlay xaaladda Dalka gaar ahaan Doorashada 2021.

Waxa uu soo jeediyay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madax Goboleedyada iyo  musharixiinta ay kawada xaajoodaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada iyo ka gudubka caqabadaha taagan.

Shariifka ayaa sheegay in waqti lagu dari karo muddo xileedka Dowladda oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waa marka lagu heshiiyo sida wax lo wadayo, diyaargarowga & qorsheynta howsha lagu wajahayo Doorashada kahor muddo xileedka Madaxtooyada.

Waxa uu ka digay in muddo xileedka Madaxtooyada uu dhammaado iyada oo la isku hor fadhiyo sida la isu diidan yahay oo aan heshiiska lagu ahayn hab maamulka doorashada qorsheynta & dhammeystirka nidaamka Geedi socodka (Kala guurka).

“Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha & Maamulada in lawada fadhiisto oo lagu go’aan gaaro kahor 8-da febaraayo, balse dhibaatadu waxa ay imaaneysaa in waqtigaas la gaaro iyada oo aan heshiis lagu ahayn, waqti waa lagu dari karaa waxaa ka horreeya in heshiis lagu yahay, balse Madaxweynaha waxa uu xilka uga egyahay 8-da Febaraayo 2021” Sidaasi waxaa yidhi Shariif Xasan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka digay in dalka dhibaato loo horseedo iyada oo la heli karo xal wanaagsan oo isla ogol iyo wax wada qabsi lagu waji karo sida uu hadalka u dhigay.