Faah Faahin:-Dagaal Iyo Qarax Lala Eegtay Taliye Ciidan Oo Ka Dhacay Gedo

0

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa baraqadii Maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Yaxaaslow oo u dhexeeya degmooyinka Doolow iyo Luuq ee Gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in dagaalka uu ka dambeeyay, ka gadaal markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ku leeyihii deegaanka Yaxaaslow.

Dagaalka oo socday muddo daqiiqado la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn, maadaama ay diideen Ciidanka dowladda in Saldhigooda laga agdhawaado.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka dowladda ee Urrurka Dulmidiid Cabdirisaaq ee fadhigoodu yahay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso lala eegtay, xili uu marayay deegaan ka tirsan Gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku warramay in Taliye Cabdirisaaq iyo Ciidamo la socday oo kusii jeeday degmada Luuq lala eegtay qaraxaas, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawacyo ah, sida wararka lagu helayo.