Xukun Lagu Riday Muwaadin Soomaali Ah Oo Jebiyay Shuruucda COVID-19

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool dalka Ingiriiska ayaa xukun adeg lagu riday, kadib markii uu jebiyay Shuruucda dowladda Ingiriiska u dejisay xakameynta Cudurka halista ah ee Coronavirus oo siweyn faraba’an ugu haaya dalkaas.

Bishaar Fidin oo 34 sanno jir ah kana laabtay dalka Soomaaliya ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, isla markaana lagu helay dambi ah inuu jebiyay shuruucda xakameynta COVID-19.

Majalada Metro ayaa daabacday in Bishaar Fidin uu booqday isaga oo aan is karantiilin Guriga walaashiis markii uu ka laabtay Soomaaliya Bishii September 2020, sidaasina uu ugu hoggaan sami waayay xeerka badqabka Caafimaad ee COVID-19.

Maxkamadda Magaalada Birmingham ee Ingiriiska ayaa khamiistii lasoo dhaafay Muwaadin Bishaar ku riday xukun ah 1,000 kun lacagta UK ah una dhiganta $1,400 doolar, sida ay shaacisay Metro.

“Soomaaliya lama soo saarin shuruuc lagu xakameynayo Coronavirus waqtigii qaboobaha. Xilligaa fal-dambiyeedka uu ku kacay Fidin, maalmaha korantiilka fasaxa waxay ahaayeen 14 maalmood,” ayey tiri Jariirada Metro.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Ingiriiska ayaa diiwaan-gelisay kiisas badan oo COVID-19 ah, waxaana xiligaan faraba’an ku haaya nooca cusub ee Cudurka, iyadoona kummanaan qof ugu geeriyoodeen halkaas.