Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Gaaray Baydhaba Iyo Ujeedka

0

Waxaa Magaalada baydhaba oo xarun KMG ah u ah Maamulka Koonfur Galbeed gaaray wafdi ka socda Qaarmada Midoobay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladaasi.

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa gaaray Baydhaba, waxaana socda u dhexeeya Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Qaramaad Midoobay ayaa Maadxweynaha maamulkaasi Koonfur galbeed kala hadlaya arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahan Marxaladda kala guurka ah ee uu galay dalku.

Si kastaba socdaalka James Swan ayaa kusoo aadaya iyadoo is mari waa xooggan uu ka jiro hirgelinta hannaanka doorashada, waxaana uu safaro ku tagi doonaa xarumaha Dowlad Goboleedyada, si xal loogu helo is mari waaga taagan.