Hadaljeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee Shir-sanadeedka Garsoorka 2021-Jannaayo,14

0

Hadaljeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee Shir-sanadeedka Garsoorka
2021-Jannaayo,14
▪ Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garsoore Baashe Yuusuf Axmed.
▪ Xeerilaaliyaha Guud ee dalka Abukaate Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud.
▪ Garsoorrayasha Maxkamadda Sare iyo guud ahaan bahda garsoorka iyo cadaaladda.
▪ Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
▪ Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
▪ Xubnaha bulshada rayidka soomaaliyeed
▪ Guud ahaan martisharafta qiimaha badan.

Asalaamu Caleykum waraxmatullahi wa barakaatuhu.

Waxaa Sharaf weyn ii ah in aan maanta idinkala soo qeyb galo shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo ah madal lafa-guro waxyaabihii Garsoorka u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid sanadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaasha sanadka cusub.

Mudanaal iyo Marwooyin,,
Hufnaanta hannaanka Caddaaladda iyo sarreynta sharcigu waa tiirka ugu muhiimsan dowladnimada, waa aasaaska horumarka iyo waddada lagu gaari karo xasilloonida.

Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xiriirka bulshada ka dhaxeeya, dhowrta xuquuqul iinsaanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shacabku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin canshuurtooda, looguna adeego si siman oo caddaalad leh.

Waxaa xaqiiq ah in hannaanka Caddaaladdu aanu dhammeystirnayn inta laga soo dhisayo Guddiga Adeegga Garsoorka, annagoo ka duuleynana waxaan diyaarinnay aas-aaska Golaha Adeegga Garsoorka oo ka bilaabnayey in aan soo xulno 5tii Xubnood ee Xukuumaddu u gudbisay Golaha Baarlamaanka si ay u soo dhammeystiraan.

Marka uu soo dhammaado dhismaha Golaha adeegga garsoorka, waxaa fududaan doonta dhisidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka, oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wanaagga dawladda iyo xaqiijinta cadaaladda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada iyo Golaha shacabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo saldhig u ah la dagaalanka musuqmaasuqa, oo kala ah:

• Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka musuqmaasuqa,
• Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo
• Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa.

Dhammaan tallaabooyinkaas waxaa barbar socday dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyay hannaanka Garsoorka dalka, saddaxdii sano ee la soo dhaafay, iyadoo imtixaan daahfuran ay markii ugu horreysay garsooreyaal kaga mid noqdeen heerarka kala duwan ee Maxkamadaha heer Federaal iyo heer Gobol, imtixaankaas oo ay qaadeen khubaro ka tirsan bahda Garsoorka dalka, ayna hagayeen Guddoonka iyo Xubnaha Maxkamadda Sare.

Sidoo kale, waxaan kordhinnay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Hay’adaha Garsoorka, annagoo joogteynay, korna u qaadnay xuquuqdooda si ay uga caaganaadaan laaluushka iyo is-dabamarinta xuquuqda muwaadiniinteenna Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,,

Waxaan bogaadinayaa shaqada baaxadda leh ee Maxkamadaha iyo Xeerilaalintu ay ka hayaan socodsiinta iyo tayeynta hanaanka garsoorka dalka, taas oo muhiim u ah xaqiijinta cadaaladda. Waxaa hubanti ah in isbeddel wanaagsan uu ka muuqdo howlaha Maxkamadaha Iyo xeerilaalinta dalka.

Waxaan kula dardaarmayaa bahda cadaaladda oo horumarkoodu muuqdo, in ay musuqmaasuqa aad ka fogaadaan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.

Mahadsanidin