Al-Shabaab Oo Weerar Ka Gaystay Kenya Iyo Dowladda Oo War Kasoo Saartay

0

Iyadoo dagaalamayaal ka tirtsan  Al-Shabaab shabaab aya weerar jidgal ah waxaa ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ka tegay Magaalada Mandeera kuna sii jeeday Magaalada Nairobi, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay dowladda Kenya.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa war kasoo saaray weerarkaasi, waxaana ay sheegen in la weeraray Gaari Rakaab ah oo ay saarnaayeen 25 qof, kuwaasi oo kusi jeeday Magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.

Boolisku waxaa ay ntaas ku dareen in ay naabd qabaan dadkii la weeraray, aysana jirin cid ku waxyeeloowday weerarka jid galka ah ee Al-shabaab ku qaadeen Baskaasi.

Waxaana ay carrabka ku dhufteen Saraakiisha Booliska Kenya in ay ku raad joogaan raggii weerarkaasi gaystay, kuwaasi oo ilaa hadda aan gacanta lagu dhigin sida ay sheegeen laamaha ammaanka Kenya.

Dagaalamayaashs Al-shabaab ayaa weerari iyo dilal waxaa ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya, waxaana mararka qar ay gaystaan falal afduub ah.