Weerar Dad Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Galgaduud

0

Wararka aan ka heleyno inta u dhexeeysa Balanbal iyo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka Balanbal.

Rag hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday rasaas ku qaaday 6 ruux  oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo xirsi lugeey ee Galgaduud, isla markaana rasaastaas uga dhacday qeybaha sare ee jirka.

Dad ku sugan Balanbal ayaa soo sheegaya in weerarka lagu dilay 6 ruux, halka dad kalena lagu dhaawacay, waxaana deegaanka tegay falka kadib dad shacab ah oo gurmad u sameeyay dadkii dhaawacmay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragga hubeysan ee weerar geystay ahaayeen kuwo watay dharka Ciidanka dowladda Federaalka, iyagoona si deg deg ah uga baxsaday, aadayna dhinaca deegaano howd ah.