Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Wasiiru Dowle U Xil Saaray Howlaha Doorashada 2021

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiskiisa u xil-saaray inuu dardar-geliyo howlaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya bilowga sanadkaan 2021.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cabdixakiin Xasan Ashkir loogu xil saaray dardar-gelinta iyo taaba-gelinta howlaha doorashooyinka dhacaya, xili uu weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Wasiiru Dowlaha Xafiiskiska Rooble ayaa sidoo kale mas’uulka ka ah isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, Dowlad Goboleedyada, hey’adaha Caalamiga iyo dhammaan howlaha la xiriira habsami u socodka howlaha doorashooyinka.

Qoraalka lasoo saaray ayaa waxaa lagu xusay inay muhiimadu tahay dhaqan-gelinta heshiiskii horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu gaareen doorashada dalka.

RW Rooble ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay in la guda galayo hirgelinta doorashada, waxaana arrintaas kasoo horjeeystay Midowga Musharaxiinta, kuna tilmaamay Go’aankaas doorasho hal dhinac ah oo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.