Madaxwaynaha Puntland oo kala diray Maamulkii Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta uu magacaabay

0

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey :-

 1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo

2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo  Markuu arkay  aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo Islamarkaana  tixgeliyey talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey .

1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo

2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo

3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD =