DF Itoobiya oo digniin adag u dirtay Suudaan

0

Dowladda Itoobiya oo hadallo digniin ah u dirtay dhigeeda Sudan ayaa sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal isku hayaan.

Waxaa guuldareystay dedaalo la doonayay in xal looga gaaro xiisadda ka taagan xadka labada dal.

Xiisadda oo mudod dhan 10 sano soo jiitameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Sudan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.

Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.

“Dhinaca Sudan waxay u muuqdaan inay doonayaan inay xaaladda sii huriyaan,”ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti oo saxaafadda kula hadlay Addisababa.

Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya ay dagaal geli doonta ayaa waxaa uu sheegay in marka hore ay wanaagsan tahay in diblomasiyadda ay shaqeyso. Wuxuu intaa ku daray in waxwalba ay dhamaad leeyihiin, isagoona ula jeeday in xallinta arrintan ee dhanka diblomaasiyadda ay tahay wax mudeysan.