Soomaaliya oo liiska ugu hooseeya ka gashay baasaboorrada ugu liita caalamka

0

Baasaboorrada dadka adduunka qaarkood waxay u yihiin shey muhiim u ah oo loo baahan yahay in mar walba uu diyaar kuu ahaado, halka dad kalena ay u arkaan caqabad hor taagan socdaalka.

Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sanad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.

Baasaboorka waddanka Japan ayaa mar kale sanadkan 2021-ka kaalinta koowaad ka galay liiska baasaboorrada ugu awooda badan caalamka, marka la eego inta waddan ee lagu aadi karo dal ku gal la’aanta ama dal ku galka lagu qaato garoomada diyaaradaha ee dalalka loo safro.

Saddexda kaalmood ee ugu sarresa waxaa ku kala jira:

  • Japan
  • Singapore
  • South Korea

Sidoo kale baasaboorka Jarmalka ayaa kaalinta saddexaad la ciriirsanaya midka Kuuriyada Koonfureed.

Liiska sanadkan ayaa la midka kii sanadkii tagay ee 2020-kii uu soo saaray bogga Helney, gaar ahaan marka la eego kaalmaha kore iyo kuwa ugu hooseeya intaba.

Dadka heysta baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka, waxaana ay dal ku galka ka heli karaan meesha ugu horeyso ee ay ka galaan dalalkaas.

Muwaadiniinta waddanka yar ee Singapore, oo sidoo kale ku yaalla qaaradda Aasiya, ayaa iyaguna dal ku gal la’aan tagi kara ilaa 190 waddan oo caalamka ka tirsan.

Tobanka kaalmood ee ugu horreeya liiska 2021-ka

  • Japan (191)
  • Singapore (190)
  • Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
  • Talyaaniga, Finland, Spain, Luxembourg (188)
  • Denmark, Austria (187)
  • Sweden, Faransiika, Portugal, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, (186)
  • Switzerland, Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Belgium, New Zealand (185)
  • Giriigga, Malta, Czech Republic, Australia (184)
  • Canada (183)
  • Hungary (182)

Qeybta ugu hooseysa waxaa wali kaalinta ugu dambeysa ku jira baasaboorka waddanka Afghanistan, oo sannado badan ahaa midka ugu liita caalamka.

Baasaboorka Soomaaliga ayaa isla sidii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii noqday midka shanaad ee ugu liita caalamka, waxaana liiska uga hooseeya afar baasaboor oo kala ah: Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Kaalinta 102-aad ayuu ku jiraa baasaboor Soomaaliga, waxaana dal ku gal la’aan lagu tagi karaa ilaa 33 waddan oo ku yaalla caalamka.

Pakistan ayaa baasaboorkeeda waxaa u sahlan 32 waddan, waxaana Soomaaliya ay Pakistan ka sarreysaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Baasaboorka Suuriya ayaa dal ku gal la’aan lagu tagi karaa 29 waddan, iyadoo Ciraaq keeda lagu tagi karo 28 waddan, halka midka Afghanistan lagu tagi karo 26 waddan oo kaliya.