Puntland oo sheegtay in dad loo qabtay howlgal xalay laga sameeyay Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgalo ka sameeyeen gudaha magaaladaasi

Howgalkan uu Hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari oo ay qeyb Ka ahayeen Ciidamada Madaxtooyada Puntland ayaa xalay Laga Sameeyay Magaalada Bosaaso kaas Oo Ku Adanaa Xaqiijinta Amniga Gobalka Bari.

Howgalada Laga sameeyay Bosaaso ayaa qaatay in ku dhow sagaal sacadood waxana laga sameeyay Bartamaha Lamiga Bosaaso Xafadaha Qaar iyo Hoteelada iyadoo ay jiraan in ciidamada ay soo qabteen dad inta uu howgalka socday balse lagu sameyn doono Baaritaano kala duwan

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bulshada Ka dalbaday in ay la Shaqeyaan Ciidamada Kala Duwan ee gobalka Bari.