Musharaxiinta Oo Beesha Caalamka U Gudbiyay Caqabadaha Heysta Doorashada

0

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Beesha u diray Qoraal ay kala hadleen khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa bilowda sanadkaan 2021 iyo sida loo xalin karo.

Qoraal loo diray Wakiilada Beesha Caalamka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa waxaa siweyn loogu faah faahiyey caqabadaha ku hor gudban qabsoomida doorashada oo ay isku hataan Musharaxiinta, maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo dowladda.

Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in xalka uu noqon karo in Hal magaalo lagu qabto doorashada in Arrinta kuraasta Gobolada Waqooyi loo daayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen inay diyaariyeen Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kuwaasi oo ay magacaawday dowladda Federaalka.

Waxaa ay intaas kusii dareen Musharaxiinta  in Goluhu diyaar u yihiin ka qeyb galka nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah  sido kale golaha ayaa sheegay in doorasho dalka qeyb ka mida ka dhacda ay dhibaato ku tahay dalka.

Qoraalkaan Beesha Caalamka loo diray ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble uu ku dhawaaqay in la guda galayo hirgelinta doorashada, xili weli ay tabashooyin qabaan maamulada Puntland iyo Jubbaland.