Khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay Kismaayo

0

Ciidamada ammaanka ayaa xalay ilaa saakay baaritaano dhalin badan lagu soo qabtay waxaa ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo, kadib markii bambo gacmeed xalay lagu weeray bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubbaland

Inta la ogyahay hal askari iyo saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Weriyaha kismaayo ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaanka ay xireen dhalin yaro badan oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa faraha ka baxay maalmihii dambe, kadib markii ay kordheen weerarada bambo gacmeedka, qaraxyada iyo dilal qorsheysan oo ay geystaan Al-shabaab