Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Xarun Shirkadda Hormuud Ay Ku Leedahay Muqdisho

0

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Dil duhurnimadii Maanta ka dhex dhacay gudaha Xarunta Shirkadda isgaarsiinta Hormuud qeybta Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.

Dad ku jiray Xarunta xiligii uu dilku dhacayay oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Ciidanka ammaanka Hormuud ay toogteen Nin shacab ah oo si orad ah kusoo galay gudaha Xarunta oo ay ka socotay shaqo loo qabnayay dadka.

Ciidanka ammaanka Xarunta ayaa Ninka oo watay Bir nuulka dhulka lagu qodo ah ku amray inuu soo dhiibo Birta, hayeeshee uu ka dhago adeegay dalabkaas, isagoo markii dambe qori kula dhegay Askari ka tirsan Ciidanka Hormuud, kadibna ula soo baxay Middi uun xirnaa.

Askariga oo falka lagu sameeyay ka carooday ayaa rasaas qeybaha sare ee jirka ugu dhuftay Ninkii muranka dheliyay ee Oradka ku galay Xarunta Shirkadda Hormuud ee Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, isagoo Ninka goobta ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo tegay goobta ayaa qaaday Meydka Ninkii la dilay, waxaana falkaas uu argagax ku abuuray dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa gudaha Xarunta.