DFS oo maanta dib u furtay wadada horumarta xarunta CID-da ee Muqdisho

0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba carrada iyo jawaanada ka qaaday xarunta CID ee ee ku taala isgoyska KM4 oo ciriiri badan ay ku qabeen gaadiidka dadweynaha.

Afhayeenka ciidankada Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in markii horeba loo xiray xarunta sababo la xiriira Amniga xiligganna go’aansadeen laamaha nabadgalyada in ay dib u furaan waddadan kaddib markii sida uu hadalka u dhigay lagu kalsoonaaday nabad-galyada xarunta.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladdu sidoo kale ku howlan tahay in dhawaan ay dib u furto wadooyin muhiim ah oo muddo dheer u xirnaa sababo nabadgalyo.