Dagaal Khasaaro Geystay Oo Dhexmaray Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab

0

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaan hoostega Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkaan ayaa bilowday ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Kormalay, isla markaana halkaas ka dagaal muddo socday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo haatan xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ay tahay mid degan.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku dhaawacmay dagaalka, halka laba dagaalame looga dilay Al-shabaab dagaalka, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Kormalay ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda ay wadaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo, isla markaana xaaladda deegaankaas ay tahay mid degan, kadib dagaalkii Maanta dhacay.