Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Si Kulul Uga Hadlay Go’aankii Xukuumadda

0

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay go’aankii ay ku dhawaaqday Xukuumadda Federaalka ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashooyinka Qaranka ee lagu heshiiyay.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankii ay ku dhawaaqday ay u arkaan mid lagu xayirayo Albaabka wada-hadalka lagu xalin lahaa khilaafka ku xeeran meelmarinta heshiiska doorashada dalka ka dhaceysa.

Midowga Musharaxiinta ayaa go’aanka Xukuumadda ee ah qabashada doorasho hal dhinac ah oo ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland ku tilmaamay inay u arkaan mid dhaawacaya midnimada iyo wadajirka, sidoo kalena lagu boobayo doorashada.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay soo bandhigto xalka tabashooyinka laga qabo Guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay  iyo arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee  Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka isugu yimaadan Shir, isla markaana ay goobjoog ka noqoto Beesha Caalamka.