Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada qaar?.

0

Kulan saacado badan qaatay ayaa xalay waxaa magaalada Muqdisho ku yeeshay  midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koofur Galbeed, kulankaas oo ka dhacay hotelka Decale oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay is-mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo

Wararka ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in  madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ka dalbadeen  Midowga Musharaxiinta in ay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku jira guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyneyaasha  gobleedyada ay ballan-qaadeen inay mar kale xal u raadin doonaan kahor inta aan la guda gelin qabashada doorashada.