Madaxweynaha Somaliland Oo Fariin Adeg U Diray DFS Iyo Midowga Musharaxiinta

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Musharaxiinta Madaxweynaha inay faraha kala baxaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isaga oo farriimana u diray siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ee ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad jeedinayay ayaa waxaa uu gaf ku tilmaamay in Madaxda dowladda iyo kuwa Mucaaradka isku raacsan yihiin in dad dhex jooga Muqdisho ka dhigaan Xildhibaano metelaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

“Midowga Musharaxiinta jooga Muqdisho iyo  Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dhinac kala noqonay col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane,” ayuu yiri  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu sheegay in  dadka kasoo horjeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho kaliya in ay Caasimadda u joojin inay kasoo shaqaystaan, balse  ay u joogaan xoolahooda iyo in lacago ay soo helaan, kadibna ay ku laabtan Somaliland.

Si kastaba hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa kusoo aadaya, iyadoo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Gobolada Waqooyi ee Somaliland, ayna isku heystaan dowladda iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.