Duqii Hore Ee Muqdisho Oo Baaq U Diray Dowladda Federaalka

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxmed ayaa war kasoo saaray maraxladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo jahawareeka siyaasadeed ee jira, waxaaan eedeyn xooggan usoo jeediyay Dwoladda hadda talada haysa.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa sheegay in dowladda uu Maadxweynaha ka yahay Farmaajo uu waqtigii ka lumay, waxaana uu tilmaaamay in Himiladii  aheyd in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ay meesha ka baxday, waxaana uu sheegay in taas ay dowladdu mas’uul ka tahay maaddama waqtigii uu ka lumay iyadoon aan qaban waxyabihii uu farmaajo ballan qaaday markii uu qabanayay talada dalka.

“Haddii ay dhab tahay in ummadda waqti kale laga lumin, waa in wixii waqtiga qasaariyay markii horeba la saxaa, haddii kale wili waxaad taagan tahay wado go’an oo aad ku qasban tahay inaad dib u soo noqotaa, Waxaa tusaale kuugu filan 4 sanno kadib, isla meeshii uun soo lama taagna. Himiladeenii waxay aheyd hore u socod iyo doorasho qof iyo cod ah; haddana mid dadban aan uga daris laheyn ayey dani seeto tiri.”ayuu yiri Taabit Cabdi.

Sidoo kale waxaa baaq uu u daray Madaxda dowladda iyo Musharixiinrta mucaaradka ah, isagoo ugu baaqay aysan uga darin dalka wadajirkiisa, nabadgalyadiisa iyo horumarkiisaba.

“Si walba iyo sabab kasta, yaanan looga darin dalka wadajirkiisa, nabadgalyadiisa iyo horumarkiisaba. Inta cid kale inoo meerin laheyd aan inagu tanaasul la nimaadno. Hebel ku xumeey iyo haanta kaligaa buuxso horaa loogu hoobtay ee hankeena intaa ha dhaafo” ayuu hadalkiisa kusii daray Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyihii hore ee Muqdisho..