Al-shabaab oo go’doonkii ugu adkaa saaray shacabka ku nool Bakool

0

Sare ukac qiimaha quutul daruuriga ayaa ka taagaan degmooyinka ka tirsan gobolka Bakool, kadib markii Alshabaab xireen waddooyinka muhiimka ah ee wadooyinka gala Waajid, Xudur iyo Tayeeglow iyo deegaano kale.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maciishada gobolka Bakool ay aad u sara-kacday kadib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee gala degmooyinka gobolka Bakool.

Wuxuu intaas ku daray in dhamaan waxyaabihii quutul-duruuriga ay qiimahooda meel sare u kacday, kadib markii dehmooyinka uu gaari waayey wax raashin ganacsi ah.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili Al-shabaab ay kordhoyeen go’doonka ay saareen degmooyinka ka tirsan gobolka Bakool, kadib markii la sheegay in ay gubeen gaadiid badan