Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Musharax Daahir Geelle

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Dan Qaran ahna Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

Kulanka u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharax Daahir Geelle ayaa waxaa looga hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka ka jira arrimaha doorashada oo ay isku hayaan Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta.

Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhan xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo dib u dhac u keeni kara dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khamiistii lasoo dhaafay kulan la qaatay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur Warsame, iyagoo ka wada hadlay xal u helida khilaafka ka taagan doorashada 2021.