Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda Saddex M/Goboleed Oo Kulan U Socda

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada.

Kulanka oo qado ahaa oo Madaxweyne Farmaajo ku martiqaaday Madaxweyne Qoorqoor, Cabdicaiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladiihii kusoo kordhay siyaasadda iyo arrimaha doorashada dalka ka dhacaya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka sidoo kalen looga hadlayo is Mari waaga ka taagan doorashada, xili shalay Xukuumadda ku dhawaaqday in la guda galayo hirgelinta doorashada si aan waqti kale u sii lumin, kaddib markii Madaxweyne Qoorqoor uu caddeeyay inuu fashilmay dadaaladii uu waday, isagoo eedda dusha ka saaray Puntland iyo Jubbaland.

Kulanka u socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo caawa ay balansan yihiin Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha saddexda Dowlad Goboleed.