Diyaarado Dagaal Oo Dqueyn Ka Geystay Degaano Ka Tirsan Gedo

0

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenkii xalay aheyd diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn ka geysteen halkaas.

Duqeynta ayaa sigaar ah uga dhacday deegaanada kala ah Xiiso-uguur iyo garsaal oo ka tirsan Gedo, waxaana la sheegay in dhowr Gantaal ay ku dhaceen deegaanka Xiiso-uguur gaar ahaan halka ku taallo Xarun ay leedahay Shirkadda Hormuud Telecom.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay inay maqlayeen jugta Gantaalo Culus iyo guuxa diyaaradaha duqeynta waday, iyagoona xusay dad ku sugan duleedka Ceel-waaq inay dareemeen cabsi xoogan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inuu jiro khasaaro ka dhashay duqeynta oo soo gaaray dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaanka Xiiso-uguur, in kastoo aan weli la cadeyn, maadaama duqeynta ay dhacday saqdii dhexe ee xalay.

Si kastaba diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa dhowr jeer duqeymo kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ciidamada Kenya ay dad shacab ah dhibaatooyin ugu geysteen Gedo, isla markaana arrintaas ay ka dhasheen banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo Kenya oo ka dhacay degmooyinka Gedo.