DAAWO:-Muuse Biixi oo Wasiiro badan Eryay iyo Magacaabista uu sameeyay

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn balaadhan, taasi oo xilalkii kaga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa, kuwaasi oo isugu jira wasiiro, kuxigeeno iyo agaasimayaal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 12-xubnood.

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed

Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta

Ku:  Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf

Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed

Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Marwo iyo Mudanayaal

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda

2. Mustafe Godane Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

3. Siciid Axmed Jibriil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

5. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta

6. Rooble Cabdi Muuse Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha

7. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

8. Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga

9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka

10. Mukhtar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta

11. Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

12. Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka