QORMO: SHACABKA MOGDISHO OO DIFAACAY DALKOODA DIINTOODA IYO DAWLADOODA

0

Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa 30 sano kadib in shacabka caasimada dalkeenu u istaageen in ay iska tuuraan reeryadii gumayste iyo ku wuu ku adeegto ee fuliya danaha shisheeye. Ku waas oo soomaali u kala qoqobay qab qabiil iyagoo ugu dan bayntiina ka dhigay maamulo yar yaroo leh 6 madax weyna yaal qabiilaysan iyadoo dadka loogu sheegay waa fadaraal hayeeshee dhabtu waa qaab aan ahayn una dhaweyn qaababka fadaraal ee aduunyada dhawr dawladood ku dhaqmaan.

Kala qaybinta mudada dheer lagu hayay dalkeena waxay sababtay in qalbigii dareenkii qabkii wadaniyadii soomaaliyeed dhimato oo lawaayay qof u dan qada dalka iyo dadka soomaaliyeed nasiib daro. Dadkii waxay kala raaceen dagaal oogayaal iyo madax kuligood u adeega shisheeye. Waxaa meeshii kabaxay wadaniyadii soomaali lagu yaqiinay iyo soomaalinimadii waana wax laga shaqeeyay mudo oo shisheeye ka danbeeyo.

4 malyan ee dagan Mogdisho maanta waa baraarugeen oo ogaadeen cadawgooda gudaha iyo kan dibada waxayna dhexda u xirteen difaaca dawladnimada soomaaliyeed iyo dalkooda soomaaliya, iyagoo ah Soomaali.

Mogdisho waxay tustay muruqeeda Nairobi waxayna u sheegtay fariin culus iyo in ay edbindoonto goriile qooqay!! Casharka aan u dhignay kenya dal walbaa dib u joogsaday oo baqay. Waxaana la ogaaday in shacabka Soomaaliyeed ku kalsoon yahay dawladiisa dalkiisa oo uu difaacanaayo isagoo ah soomaali. Dalkaan wuxuu lee yahay hal caasimad hal calan hal madax weeyne, dadka Soomaaliyeed waa isku diin suni shaafici ah waa isku isir waa isku diir waa isku af lamana kala qaadikaro.

Shacabka Caasimadeena oo ah madixii dalkeena waa u mahad celinayaa siday u difaacayaan dawladeena iyo jiritaan keena Soomaaliyeed. Shacabka goboladana waa idin raacsanyihiin tuugta shisheeyaha u adeegaysa ee iska dhigaaya madaxweynayaalna mardhaw waa soo qab qabanaynaa oo horkeenaynaa sharciga. Waxayna ku jiraan danbiyo cad oo ah khiyaamo qaran. Aduun yada waakee dalka ogol in muwaadinkoodo u basaaso dawlad kale dalkiisa? Dani iyo ahmed madoobe danbi bay faraha kula jiraan
Cafismalaha. Waxaa lamid ah madaxweynayaashii caanka ahaa ee shacabka Soomaaliyeed hoojiyay dhan dhaqaale dhan sharaf iyo dawladnimo, dhan nabad galyo intaba waxay iibiyaan badeenii taasoo maxkamad iyo muran ku jirta maanta. Hadana waxay gacanta kula jiraan kicin dadweyne hubaysan iyo dagaalo qabiilo. Shacabku wuxuu codsanaa in ragaas oo dhan sharciga la horkeeno.

Ninka dalkeena khiyaamayaa maha qabiil gaara waa manaxayaal laga helo qabiilkasta. Ma rabaan Soomaalinimadeena iyo dawladnimadeena iyagaa ka xun shisheeyaha.
Mogdisho hanoolaato cadawgeeduna hajabo.

W/Q Yuusuf Cumar