DHEGAYSO:- Xaaladaha Barakacayaasha iyo beeraleeyda Doolow.

0

Degmada Doolow oo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, waxay hoy u tahay hay’adaha QM ee deegaanka ka hawlka iyo kuwa kale ee caalamiga ah.

Taasi waxay sii sahashay in dad badan oo barakacayaal ah ay ku soo hirtaan Doolow, deegaannana ka abuurtaan meelaha ay degeen ee ay barakaca ku yihiin.

Cabdifitaax Ismaaciil Dheere waa madaxdii hore ee arrimaha bulshada, marna soo noqday maaliyadda Doolow, wareysi uu siiyey warbaahinta Daljir ayuu uga warramay xaalka dad barakacayaasha ah iyo kuwa beeraleeyda ah ee Doolow, ahna masuuliyadii uu qaabisalnaa markuu madaxda arrimaha bulshada ahaa.