DHAGEYSO:- Mid kamid ah Xildhibaanadii Xilka laga Tuuray “Anagu Hada Sharciga Lugaha ayaanu ku Qaadan doonaa”

0

Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed waa mid ka mid sideeddii xildhibaan ee baarlamaanka Puntland uu xasaanadda ka qaaday, BBC-da ayuu siiyay waraysi uu kaga waramayo sida uu u arko talaabada ka dhanka ah.

Wuxuu sheegay Xildhibaanku inay hada Iyaguna Lugaha ku Qaadan doonaan Sharciga, Maadama Sharci darro loo adeegsaday,  Wuxuuna xusay in Xildhibaano ka tirsan  Baarlamaanka ay Mooshin ka keenay Shir Gudoonka Baarlamaanka,  markaasi kadib uu Gudoonka Baarlamaanku  Bilaabay Qorshe uu isku difaacayo.

“Adduunyadda lama arag Xildhibaano intay fadhiistaan odhanaya, Xildhibaano kale ayaanu Xasaanada ka Qaadnay, Waa sharci darro iyo Arimo Siyaasadeed.“

“Afar Arimood ayuu xildhibaanku ku waayi karaa Xilkiisa, oo kala ah “1- inaanu laba Kalfadhi ka qayb gelin, 2 inuu geeriyoodo, 3- Inuu is casilo, 4 Fal-dambiyeed uuGacanta kula jiro”.

Faldambiyeed anagu kumaanu jirin, Shir jaraa’id baanu qabanay,  Intaas hadii ay Faldambiyeed tahay Dadkuba waa dambiilayaal, Wax ka jira ma jiraan Eedaymaha naloo Jeediyey.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

“Xilka Qaadistu waxay salka ku haysaa Doorashada Heer Federaal, gaar ahaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Waxaana jira dad la Qoranayo, Waxay sidoo kale oo la xidhiidhaa Arinta shirkadda DP World .” Ayuu raaciyey hadaliisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed.