DAAWO:- Goodax Barre Weerar Culus ku Qaaday Cali Guud Laawe, Xiisada Hiiraan iyo Xaalada dalka

0

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Goodax ayaa Guudlaawe ku tilmaamay “nin aan u qalmin inuu madaxweyne noqdo, oo qabyaalad ay ka buuxdo, oo miyiga kusoo koray.”

“Waa nin neceb isir iyo daad gaar ah, wuxuuna ka keenay dhaqanka miyiga. Wuxuu beel gaar ah [Beesha Xawaadle] madax u geliyey beelaha kale ee gobolka, oo uu ka dhaadhiciyey inay nacaan, oo ay cadowgooda yihiin,” ayuu yidhi Goodax Barre.

Goodax Barre ayaa sheegay in Guudlaawe uu madaxweynenimada ku helay kadib markii beelaha dega gobolka Hiiraan uu ka horkeenay beesha Xawaadle, sida kursiga loo fadhiyo.

Waxa uu sidoo kale qiil u yeelay jabhadda ka dillaacday gobolka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jeneral Xuud, taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay markii la handaday beesha Xawaadle, islamarkaana la bah-dilay.

Goodax ayaa sidoo kale kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe lagu caleemo saaro magaalada Beledweyne, taasi oo uu ku qeexay bahdil iyo inay la macno tahay “aan ku guursado malxiisna ii qasab iigu noqo”.

Waxa uu sidoo kale weeraray ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan oo uu sheegay in lacag lagu aamusiyey, islamarkaana uu ka badin waayey inuu jaad cuno.

Goodax ayaa sidoo kale Waraysiga uga hadlay Xaaladiisa Caafimaad, (Qaliin uu ku galay dalka Turkiga) iyo Xaalada Guud ee dalka Gaar ahaan Arimaha Doorashada, Wuxuuna tilmaamay inaan loo baahnayn in Madaxdu ay Boobto Kuraasta.