Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ku wajahan Beledweyne

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale, iyagoona lagu wado in saacadaha soo socda ay tegaan halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay qabaan dadka degan Hiiraan.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan la qaatan maamulka Magaalada, Odayaasha iyo qeybaha Bulshada, iyagoona kala hadlay tabashada ay ka qabaan dhimsha maamulka iyo arrimo kale.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baladweyne ka dhacayay banaanbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoona xusid mudan tahay in banaanbaxayada dad loo xiray.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dhowr mar ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Baladweyne oo si weyn looga soo horjeedo isaga, waxaana halkaas ku sugan Madaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.