DHAGEYSO:-Puntland oo joojisay in Dekedda Bosaso lagu Qaado Lacagta Shilin Soomaaliga ah

0

Iyadoo Muddooyinkii dambe Bulshada ku nool Deegaanadda Puntland  ay siwayn uga Cabanayeen Sicir Barar dhinaca Dhaqaalaha ah, Islamarkaana uu Sarifka Lacagta Dollarka ah gaadhay Halkaasi ugu saraysay, ayaa maanta go’aan kasoo baxay Xukuumadda Puntland waxay ku sheegtay inay Joojisay in dekedda Boosaaso lagu Cashuuro waxyaabaha kasoo dega Lacagta Shilin Soomaaliga ah.

“Dawladdii ayaa dhiiri gelinaysa Doollarka, Sidee ayay marka Rabaan inay Sicir bararka Dalka loo joojiyo haddii la qiimo tirayo lacagtii Dalka ,  waa la yaab,  Soomaaliya  waa loo soo shaqa tagay ee Allahow masaakiinta iyo danyarta taageer.” Ayuu yidhi Xasan Xidig oo ah Muwaadin Aragti ka dhiibtay Go’aanka kasoo baxay Puntland.

WAR-SAXAAFEED PUNTLAND KASOO BAXAY.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Bangiga Dowladda Puntland

Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.

Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.

Fulin wacan

Siciid Cabdullaahi Deni ,  Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Dhinaca Kale Suuqyada ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa gabi ahaanba laga diidayaa in wax lagu kala iibsado lacagta shilinka soomaaliga xili shalay xukuumada Puntand ay amartay in canshuurka Dekeda Boosaso la joojiyo in lagu qaado llacagta shilinka Soomaaliga.