Galmudug Oo Mar Kale War Kasoo Saartay Weerarkii Ka Dhacay Bacaadweyn

0

Maamulka Galmudug ayaa mar kale ka hadlay weerar xoogan oo aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Weerarka kadib ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu qaatay saacado badan, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay wareegeen gacanta ku heynta deegaanka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanka uu saakay weerarka ka dhacay ay gaareen Ciidamo gurmad  oo ka socday kuwa Booliska dowladda ee Haramcad iyo kuwa qeybta 21-aad.

Waxaa kaloo Galmudug ay sheegay in Ciidanka dowladda iyo shacabka deegaanka Bacaadweyn ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 50 dagaalame, sidoo kalen xubno laga qabtay, waa sida hadalka loo dhigay.

“Bulshada ku dhaqan degmada Bacaadweyne ayaa si geesinimo leh isaga difaacay Al-shabaab ayagoo garabsanaya ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, waxaana alshabaab weerarkii saakay looga qabtay maxaabiis iyo dhaawacyo uu ka mid yahay amiirkii dagaalka hogaaminayey, ayagoo goobta uga cararay maydkooda oo kor u dhaafay 50 maleeshiyo ah” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, isla markaana Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka qabsadeen hub iyo gaari oo nooca dagaalka ah oo ku rakiban yihiin qoryo, sidoo kalena uu jiro khasaaro xoogan oo ka dhashay weerarkii ay ku qaadeen halkaas.