Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Bacaadweyn

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyne  ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaaalmayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saakay Aroortii ay weerar  bilowday qaraxyo ay ku qaadeen saldhig ciidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhexeeyay Ciidamada qeybta 21aad iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab,.

Wararka ayaa Intaasi ku daraya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta islamarkaana diiday in codkooda loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhiga qeybta 21 aad ay ciidamada xoogga ku leeyihiin  degaanka Bacaadweyne, islamarkaana  haatan la maqlayo rasaas ka dhacaysa gudaha  deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku dararaya in Al-Shabab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, islamarkaana halkaasi ay ku qabsadeen gadiidka nooca dagaalka.

Dhanka kale war qoraal ah oo goordhow ka soo baxay Al-Shabaab ayaa  lagu sheegay in dagaalamayaashooda ay  la wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, iyagoona sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaalka ay ku qabsadeen illaa 5 gaari oo nuuca dagaalka ah, waa ay sida ay hadalka u dhigeen.