Qaramada Midoobey oo ka digtay xiisad ku sii korodha Wadamada Bariga Dhexe

0

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe kadib dilkii loo gaystay Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay is xakameyn iyo xaaladda la dejiyo wuxuuna cambaareeyay dil kasta oo sharci daro ah.

Hoggaanka Iiraan ayaa eedda dusha uga tuuray Israa’iil waxayna ballan qaadeen inay u aar gudi doonaan Mohsen Fakhrizadeh.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in meydkiisa la geeyay masaajidka Imaam Reza ee magaalada Mashhad ka hor aaska maalinta Isniinta ah.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, wuxuu umuuqday inuu muujinayo in aargoosiga uusan dhaqso u dhici doonin. Maamulka Israil ayaa ka aamusay dilka