Milateriga Soomaaliya oo Sh/Dhexe ku dilay xubno Shabaab ah kuwo kalena nolosha ku qabtay

0

Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya  in duleedka degmada Cadale uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-gub oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabbellada Dhexe.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in 8-dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay dileen ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tiro intaas ka badan ay ka dhaawaceen kooxda, isla markaana ay jiraan xubno ka tirsan oo ay nolosha ku qabteen.

Howlgalka oo lagu tilmaamay mid qorsheysnaa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgub oo qiyaastii 10-KM u jira degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii sida uu sheegay Taliyuhu laga war-helay in deegaanka ay Shabaab isku uruursanayaan.