Kulan Xasasi ah oo Villa Somalia ku dhexmaray Madaxda DFS, NISA iyo Galmudug

0

Madaxtooyadda Soomaaliya  ( Villa Somalia ) Waxaa Xalay  kulan xasaasi ah uu ku dhex-maray madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo madaxwenaha maamulka Galmudug oo ku sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo ka wada Qayb galay Sida la sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Iyo  Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Inkasta oo aysan caddeyn wax rasmiga ah ee kulanka looga hadlay, haddana saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa  sheegay inay u badan tahay in looga xaajooday arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyada muranka dhaliyey ee musharaxiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen.

Kulanka ayaa imanaya laba maalmood kadib markii mucaaradka ay dalbadeen in guddiyadaas wax laga

Qoor Qoor ayaa horey uga ballan-qaaday musharaxiinta mucaaradka inuu beddelayo guddiyada doorashada ee Galmudug, balse wuxuu shuruud ka dhigay in maamullada kalena ay sidaas oo kale ay sameeyaan.

Soomaaliya ayaa waxay gashay Xaalad Doorasho, Waxaana Loolanka iyo Kulamo Muqdisho ka bilaabay Musharixiinta Xilka Madaxwaynaha, Waxaana Dhankooda aan is dhigan doonin Hoggaanka sarre dalka.